Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega oo heshiis wada gaaray

Wada hadalkii usocday Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega waa lagu heshiiyay.

Tigree waxay rabeen,ayaa loo ogolaaday,waxayna kala yihiin…

1.In Xabad joojin la sameeyo.

2.In Madaxbanaanida Itoobiya la ilaaliyo oo Ciidanka Eretereya Dalka laga saaro.

3.In Dhamaan Adeega Bulsho loo furo Tigreega.

4.In Magdhow la siiyo Tigreega.

5.In Maamulka Dowliga ah ee Fadaraalka Tigreega qaybtooda la siiyo.

6.In dib loo mideeyo Ciidamada Mileteriga Itoobiya.

Sida muuqata Abiy waa tanaasulay,waxuuna aqbalay cadaadiskii gudaha ee dagaalka iyo kii dibada ee reer Galbeedka.

Markii si dhab ah loo qiimeeyo xaalada Itoobiya waa ku khasbanaa Abiy in uu tanaasulo,sababtoo ah Dowladnimadii Itoobiya Boqolkiiba Lixdan dhan walba waa ka burburtay wax Gacanta ugu jirayna maleh.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee uu qorshaystay in uu Tigree ku jilciyo si ay wadahadalka dabac uga muujiyaan,waa ku jabay marka laga soo tago Magaalooyin si Taatiko dagaal ah ay ugaga baxeen Tigreegu.

Heshiiskan dhamaan Deegaamada Itoobiya,waa laga soo dhaweeyay marka laga reebo Maamulada Amxaarada iyo Somalida.

Jibril Qoobey.