Iran oo hanjabaad xoog badan udirtay Sacuudiga

In this Feb. 3, 2012 photo released by an official website of the Iranian supreme leader's office, Iranian supreme leader Ayatollah Ali Khamenei delivers his sermons of Friday prayers at the Tehran University campus in Tehran, Iran. Iran's supreme leader will deliver a Friday sermon on Jan. 17, 2020 in Tehran for the first time since 2012, as the Islamic Republic grapples with the fallout from the targeted killing of its top general in a U.S. airstrike and popular anger at its accidental shootdown of a passenger plane. (Office of the Supreme Leader via AP)

Mareykanka,ayaa ka walaacsan yahay hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah Sucuudiga, waxaana sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Talaadadii aanu Mareykanku ka laba-labayn doonin inuu ka jawaabo hanjabaadahaas haddii loo baahdo.

“Waxaan ka walaacsanahay khaataraha muuqda, waxaan weli ku jirnaa xiriir joogto ah anagoo adeegsanayna khadadka militariga iyo kuwa sirdoonka ee Sucuudiga,”Ayuu yiri Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka.

Waxuu intaas ku daray “Kama waaban doono in aan u dhaqaaqno difaaca danahayaga iyo Sxb-dayada Gobolka”

Mas’uulkan,ayaa hadlay kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Sacuudiga uu la wadaagay xog sir ah oo uu Mareykanka uga digayo weerar ka yimaada Iran oo lagu bartilmaameedsado Boqortooyada Sacuudiga.

Mareykanka,ayaa sheegay in Iran ay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Ukraine, taasoo keentay in Washington ay dhinac iska dhigto dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, kaasoo uu Madaxweyne Donald Trump ka baxay 2018-kii.

Madaxweyne Joe Biden,ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay khilaaf xooggan kala dhexeeyay Sucuudiga kaddib markii ururka OPEC+ ee Sucuudigu hoggaamiyo ay go’aansadeen in ay dhimaan wax soo saarka shidaalka, taas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in qiimaha shidaalka ee Maraykanka uu sare u kaco.

Reuters