Axmed Karaash oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Saalax Liif

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo caawa ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweynaha ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay kaalinta muhiimka ah ee marxuumka kasoo qaatay dowlad dhiska dalka, gaar ahaan hagida iyo toosinta Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland mudadii uu hogaaminayey.

Ugu dambaayn Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu Janatul Fardowsao ka waraabiyo marxuumka.