Maraykanka oo bogaadiyay heshiiska Tigreega iyo Dowlada Itoobiya

Mareykanka,ayaa Arbacadii bogaadiyay heshiis dhexmaray dhinacyada isku haya Itoobiya, iyagoo rajeynaya in lasoo afjaro colaadda labada sano ka socotay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u furan yahay inuu hagaajiyo xiriirka Addis Ababa.

“Waan soo dhawaynaynaa tallaabada muhiimka ah ee maanta ka dhacday Pretoria ee lagu hormarinayo ololaha Midowga Afrika ee lagu doonayo in lagu aamusiyo hubka,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

“Waxaan soo dhaweyneynaa bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ka dhalan karta hirgelinta heshiiskan,” ayuu yiri.

Waxa uu bogaadiyay “dadaalka weyn” ee dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Koonfur Afrika oo ah martigeliyaha wadahadalkan oo sidoo kale uu ku lug lahaa ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika Mike Hammer.

Dagaalkan oo socday muddo laba sano ah ayaa waxa uu aad u xumeeyay xiriirka u dhexeeyay Maraykanka iyo Itoobiya oo ah xulafo taariikhi ah, iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden uu soo afjaray xiriirka heshiis ganacsi oo weyn oo kala dhexeeyay Itoobiya, isagoo ku sababeeyay arrimo khuseeya xuquuqda aadanaha.

Blinken ayaa soo dhaweeyay hadal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ballanqaaday in uu dhaqan gelin doono heshiiskan.

AFP.