Sawirro: Masuuliyiin ka socda Puntland oo gaaray aaga Boocame

Taliyaha Ciidanka Difaaca dawladda Puntland, Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London)ayaa gaaray agagaarka degmada Boocame ee gobalka Sool, oo maalmo kahor ay yimaadeen maleeshiyaad taageersan maamulka Somaliland.

Taliye Abshir London oo ay weheliyaan Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Xildhibaano iyo saraakiil Ciidan ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo Ciidanka Puntland ee jooga aaga Boocame.

Boocame ayaa aheyd degmada kali ah ee katirsan gobalka Sool, oo ay Puntland gacan ku heyso. Waxaana saldhig ay u aheyd maamulka gobalka Sool iyo Talisyada Ciidanka ee gobalkaas u qaabilsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidammo cusub oo katisan Puntland ayaa la geeyay agagaarka Boocame, iyagoo ku wajahan degmadaas.