Somaliya maka heli doontaa garab Jaamacada Carabta?

“Dagaalka ay ku jiraan Dowladda iyo Shacabka Somaliyed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, waxa uu u baahan yahay awood lagu xaqiijiyo hiigsaga aan uga golleenahay, hiigsigaas oo ah xaqiijinta Somaliya oo aan argagixiso joogin, xasillooni, amni ah, heshiis ah, dunidana heshiis la ah, doorkeedii firfircoonaa ee soojireenka ahna ku leh heer Carbeed, Gobol iyo caalamba.”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Codsigaas sida la filayo Carabtu si macno leh uguma jawaabayso oo loogama baran waxtar weyn oo ay sameeyaan.

Balse Dowladaha qaar way dhici kartaa in laga helo taageero tababar Ciidan,Saad iyo Wardoon sida…

1.Sacuudiga
2.Masar
3.Aljeeriya.

Fursada ugu weyn ee jirtaa waa in caalamka islaamka uu kasoo yaraanayo rabitaanka loo hayo fikirka xagjirnimada ee Somaliya khatarta ku haya.