15 Ruux oo ku geeryooday Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryooday, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay fiidnimadii caawa albaabka hore ee xero Nacnaca, ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuliyay qof naftiis halige ah ayaa lala beegsaday tiro dhallinyaro ah oo qoranayay Ciidamnimo, kuwaas oo ku jiray safaf dhaadheer.

Wararka ayaa sheegaya in dhallinyarada qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo la diiwaangeliyay qeybna ka ahaa cutubyo kamid ah Ciidammo dhowaan la qoray, oo la qorsheynayay in loo qaado dalka Masar.

Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara. Mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dawladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay xero Nacnaca oo hada loo bixiyay “Gen. Dhagobadan”.

Sidoo kale, Dhowr jug oo culus oo lagu sheegay inay yihiin Qaraxyo dheemis ah ayaa caawa laga maqlay xaafaddo kamid ah Muqdisho, taas oo cabsi galisay shacabka caasimadda.