Hindiya oo ku guulaysatay tijaabada Gantaal ay wal-wal ka muujiyeen Pakistan iyo Shiinaha

Hindiya,ayaa tijaabisay Gantaal nooca Gantaalada kale ka hortagi kara ah oo awood u leh inuu burburiyo Gantaalada Nukliyeerka iyo Diyaaradaha dagaalka ee hawada ku jira.

Gantaalkan difaaca waxaa sameeyay Shirkad fadhigeedu yahay Hindiya.

Tijaabadan,ayaa laga soo ganay shaybaarka Gantaalaha oo ku yaalla jasiirad Badda Orissa waxayna saraakiishu ku tilmaameen tijaabo lagu guul guuleystay.

Gantaalkan,ayaa loo bixiyay magaca ‘AD-1’.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysatay tijaabinta gantaalaha AD-1 ee Gantaalada kale ka hortagay.

Gantaalkan ayaa waxaa wada matoor adag oo laba qeyb ah, waxaana lagu rakibay nidaam kontorool oo horumarsan oo ay samaysay Hindiya, waxaa uuna leeyahay qalab ku haga bartilmaameedka saxda ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Hindiya, Rajnath Singh,ayaa tijaabada ka dib sheegay in Gantaalkan ah nooca Gantaalada kale lagu soo rido lagu rakibay qalab casri ah oo cusub oo ay haystaan oo kali ah dalal yar.

Gantaalkan,ayaa loogu talagalay in lagu burburiyo Gantaallada Nukliyeerka ah iyo diyaaradaha dagaalka ee uu joogooda dhulka u jiro 80-100 km.