Imran Khan oo cadeeyay cidda ka dambeysay Isku-daygii lagu dili lahaa

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyay Ra’isul Wasaaraha xilka haya inuu ku lug lahaa shirqool lagu dili lahaa, xilli uu kasoo kabanayo dhaawacii kasoo gaaray isku day dil.

Khan ayaa saxaafadda u sheegay in Ra’isul Wasaare Shahbaz Sharif, oo isaga bedelay kadib markii codka kalsoonida lagala noqday bishii April, inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarka lagu dili lahaa, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dilkiisa ay ku wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

“Saddexdan waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu Khan ku yiri muuqaalkiisii ugu horreeyay tan iyo toogashadii Khamiistii, isagoo intaas ku daray inay ku lug lahaayeen laba nin oo hubeysan.

Dowladda Pakistan ayaa dafirtay inay ku lug laheyd isku dayga dil ee Khan, waxayna ku eedaysay inuu ka dambeeyay weerarkan kaliya qof ku dhashay xagjirnimado diimeed.

Milateriga ayaa eedeynta Khan ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn oo mas’uuliyad darro ah.

Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa waxaa ku dhintay hal nin, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof, taasoo si weyn sare ugu qaaday xiisadda siyaasadeed ee soo wajahday dalka Koonfurta Aasiya tan iyo markii Khan xilka laga tuuray.

AFP.