Imran Khan Oo ku Eedeeyay RW Pakistan in uu khaarajin lahaa

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan,ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” .

“Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

“Saddexdan waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu yiri Mr Khan.

Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.

Dhankooda sarakiil u hadashay militariga Pakistan ayaa waxay beeniyeen eedeynta Mr Khan. Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa dhanka kale sheegay in dibadbaxyada ay sii socon doonaan ilaa saddexdani masuul ay xilka ka dagaan.

Wuxuu ka dalbaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka janaraal Qamar Javed Bawjoh in tallaabo laga qaado ‘dadka xun-xun’ ee ciidanka ku jira.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday madaxa cadaalada dalka Pakistan in uu xaqiijiyo cadaaladda dhacdadan.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka mamnuucay inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.