Taliyaha Ciidanka Somaliland oo u soo jawaabay Gen. Abshir London + VIDEO

Taliyaha Ciidamada Somaliland, Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa si kulul ugu jawaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Gen. Abshir London.

Gen. Nuux Taani oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Puntland uu yahay nin aan waxba kala socon wixii ka dhacay dalka, uuna ka yimid qurbaha.

Somaliland ayuu sheegay in aysan wax xun ku dhihin Puntland, maadama ay ilaalinayso darisnimada, isagoo intaa raaciyay inay yaqaanaan jawaabta ay ka bixinayaan dagaalka uu ku hanjabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland.

Gen. Abshir London oo dhowaan khudbad u jeediyay ciidammo ku sugan agagaarka Boocame, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay taageerto argagixisada, isagoo ku hanjabay dagaal ay uga xoreynayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobalka Sool.