Golaha Amniga Puntland oo shir aan caadi aheyn ka yeeshay xaalada Boocame + Sawirro

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa kulan aan caadi aheyn isugu yeeray Golaha Amniga Puntland, oo dhowaan uu dhisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga Madaxweyne kuxigeenka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Amniga Puntland, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Puntland oo looga hadlay Amniga guud ee Puntland iyo warbixino laga dhegaystay xubnaha guddiga.”

Shirka oo ay joogeen dhamaan xubnaha Golaha Amniga, oo ay ugu muhiimsanaayeen Wasiirka Amniga iyo Taliyayaasha Ciidamada Puntland, ayaa wararku sheegayaan in diirada lagu saaray qabsashada degmada Boocame, ee maleeshiyaadka taageersan maamulka Somaliland.