Madaxweyne Deni oo ku Aadan Zambia Todobaadkan dhamaadkiisa

Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wefti kooban oo la socda,ayaa ku aadan Zambia.

Maalinka Khamiista ah,ayaa la filayaa in uu gaaro Zambia,sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo.

Socdaalkan haduu hirgalo,waxuu noqonayaa markii ugu horaysay oo uu ubaxo safar la og yahay kulana kulmo Bulshada qurba-joogta ah.

Madaxweyne Deni,waxaa lagu dhaliilaa in uu aad ugu liito xiriirka dibada iyo qurbajoogta.

Madaxdii ka horaysay waxay si weyn uga faa’idaysan jireen awooda iyo saamaynta qurbajoogta reer Puntland.

Zambia waa mid ka mid ah Wadamada Ganacsatada reer Puntland ay maalgashatay,waxayna ku leeyihiin Ganacsi ku fadhiya Malaayiin Dolar.

Puntland waxay leedahay Qurba-joogta ugu wanaagsan uguna saamaynta badan Somalida qurbaha ku nool.

Jibril Qoobey.