Gudoomiyaha cusub Ee Maxkamada sare PL oo xilkii la wareegay

Garoowe: 07 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xilka ukala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Puntland Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Mudane Xasan Yuusuf Nuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta Maxkamada sare inay si caadaalad ah ugu adeegaan bulshada, kana hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara masuuliyada ay hayaan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.