Maxaa looga dooday Fadhiga 8-aad Ee Kal-fadhiga 51-aad Baarlamaanka PL

Garoowe, 07,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa lagu dhaariyey xildhibaan cusub Axmed Bashiir Askar Xuseen oo badalay xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday bishii 2-aad ee Sanadkan, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kadib soo jeedinta Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare.

Dhinaca kale, Mudaneyaasha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta loo qeybiyey hindise-xeereedka Biyaha Puntland, kaas oo Goluhu curiyey islamarkaana waxaa lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah, si ay ugu soo sameeyaan akhrinta 2-aad, waxaana ay hor keeni doonaan Golaha Wakiilladda Sabtida soo socoto 12,November 22, hadii Alle idmo.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland