Ilhaan Cumar iyo doorashada xiliga Dhexe Ee Talaadada?

Ilhaan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota Xisbiga Republican-ka.

Ilhaan bishii Ogosto waxay la soo tartantay Afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa Golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta Labaad hadana Ilhaan ayay guusha raacday.

Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Qiimaynta hada sida hoose lee helayo waxay muujinayaan in ay haysato aqlabiyada Bulshada.

Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress,ayaa gaaraya 174,000 oo dolar.

Berri goobaha cod-bixinta waxaa la furi doonaa 7-da subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo.