Mooshin xilka xayuubin ah oo laga diyaariyay Sacdiyo Salaad

Sida ay xaqiijinayaan Ilo xog ogaal ah Sacdiyo waxay Garowe utimid la kulanka Madaxweyne Deni oo ay filaysay in uu imaan doono,balse ma suurtagelin.

“Deni waa diiday in aan is afgarano oo Xasana waa iga raacay” Ayaa Sacdiyo laga hayaa.

Dad xog ogaal ah,ayaa ii sheegay in Xasan laftigiisu uusan ku faraxsanayn hogaaminta Sacdiyo oo ay bartanka u istaajisay isku dhacyo Siyaasadeed oo aan loo baahnayn.

“Sacdiyo lama sii shaqayn karno,waana in ay Gudoonka ka degtaa si aan Umaddan iskugu wadno oo horay ugu socono”Ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan Xubin sare oo Siyaasiyiinta Somalida ka mid ah.

“Sacdiyo Salaad Samatar si aysan ku faraxsanayn ayay ku banaynaysaa Kursiga Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Fadaraalka fadhigiisa ugu horeeya”Xil.ayaa ii xaqiijiyay saamayn leh.

“Xasan iyo Deni waa iska waraysteen,waana ku heshiiyeen oo ku balameen in Sacdiyo aysan kasii mid ahaan karin Gudoonka Golaha Shacabka Somaliyed”Sarkaal Madaxtooyada PL ka tirsan,ayaa ii xaqiijiyay xogtaas.

Sidoo kale Sacdiyo waxay lumisay inta badan Xildhibaanada Golaha waxayna kuwa badan kuu sheegayaan in aysan booskan sii hayntiisa ku filnayn marka la qiimeeyo sida ay udhaqamayso.

“Maleh Fadhi loogu yimaado oo ilaa Sadex Hotel ayay degan tahay,Taleefoonadeeda Bil-bil ayay iskaga badashaa,mana muujinayso deganaan hogaamineed marka lala kulmo sida Gudoomiye Aadan Madoobe”Sidaa waxaa igu yiri ilaa Afar Xildhibaan oo diiday in aan Magacyadooda soo xigto.

Jibril Qoobey.