Ururada Siyaasada Puntland Oo lala wadaagay xiliga diiwaangelinta Cod bixiyayaasha

Xiliga ay bilaabanayso diiwaangelinta Cod bixiyayaasha,ayaa loo gudbiyay dhamaan Ururada tartamaya ee Siyaasadeed.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa la yeeshay kulan gaar ah Ururada Siyaasadda Maanta.

Si buuxda,ayaa loogu fasaxay Lacagtii Olalaha Ururada Siyaasada oo gaaraysa 90-kun oo dolar Maanta.

25-ka Bisha,waxaa bilaabanaysa diiwaanginta Codbixiyayaasha,waxayna soconaysaa 45-cisho.

Sidoo kale Ururada,waxaa lala wadaagay xogta qiimayntii goobaha Codbixinta iyo Seejooyinka ee Gudiga kmg Doorashooyinku soo sameeyeen.

Dhamaan Ururada Siyaasada waa kasoo qaybgaleen kulankan oo waxaa ka joogay masuuliyiin matalayay.

Waa talaabo horay loogu qaaday dardargelinta Shaqada hirgelinta Dimuqraadiyaynta inkastoo gaabis xoog leh ka muuqdo.

Jibril Qoobey.