Dimuqraadiyadu waa masiiri ee Madaxweyne dhankaaga yaysan xagal daacin

Hami xoog badan ayay Bulshada Puntland ka qabaan in Deni ku dhiirado Dimuqraadiyada.

Wal-walka Bulshadu qabto waa in uu gadaal uga maagto Deni hirgelinta Dimuqraadiyada Laba arimood midkood…

1.Dhaqaalaha ku baxaya oo badan.
2.In ay Gacantiisa ka baxdo oo uu maamuli waayo.

Balse hadii uu sii wado dhiiranaantii uu muujiyay kuna adkaysto go’aankiisa hirgelinta Dimuqraadiyada,waxuu gaarayaa…

B.Taariikh macno leh oo uu ka tago.
T.Fursad uu kusoo laabto.

Hadaba si aan Shacabka hamuunta uqaba Dimuqraadiyada loo mihin,waa in Madaxweynuhu dhaqaajiyaa…

B.Dhaqaalaha loogu talagalay socodsiinta Shaqada.

T.Awood siinta Wasiirada qaabilsan Barnaamijka Dimuqraadiyaynta.

J.Guud ahaan Golaha Wasiirada oo lagu amro door ka qaadashada hirgelinta Dimuqraadiyada.

X.Hawlgelinta Gudiyo ka kooban qaybaha Bulshada.

Dimuqraadiyadu waa masiiri ee Madaxweyne dhankaaga yaysan ka imaan xagal daacin iyo mihin Shacab.

Jibril Qoobey.