Laba Xubnood oo Gudiga Doorashooyinka ka mid ah oo lagu hor dhaariyay M.xigeenka

Garoowe: 08 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta Laba Xubnood oo kamid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey inay si cadaalad ah oo hufan u gutaan masuuliyada saaran.

Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cali Dhagacade iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.