Madaxweyne Deni oo Jaaliyada Nayrobi kulan la qaatay

Nairobi: 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, Xildhibaanka Degmada Kamakunji ee Xaafadda Islii Mudane Yusuf Xasan, Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo Wakiilka Puntland ee Kenya, qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya sida Ganacsatada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.