Madaxweyne Xigeenka Puntland oo qaabilay Madaxa UNDP

Garoowe: 08 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Somaliya Jocelyn Mason iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka,ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland iyo qodobo kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.