Gudiga Doorashada PL iyo Madaxa hay’ada UNDP oo kulmay

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Mudane Cabdirisaaq Axmed Sacid, Afhayeenka Guddiga Cabdinur Shiikh iyo qaar ka mida ah xubnaha Guddiga,ayaa maanta Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Somaliya Jocelyn Mason iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka ayay uga wada hadleen xoojinta wadashaqaynta ka dhexaysa Guddiga iyo Hay’adda UNDP, Hay’adda UNDP,ayaa ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobey ee Guddiga kala shaqeeya hirgalinta Doorashooyinka Golayaaasha Deegaanka Puntland.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

              ====DHAMMAAD====
XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.
                 #codkaaguwaaxaqaaga
            #codkaaguwaamustaqbalkaaga