Hogaaminta Aqalka Congress-ka Maraykanka oo aan weli cadayn

Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka,ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah.

Dimuqraadiga,ayaa muujiyay awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa.

Awoodda Dimuqraadiga,ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada Madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan Xisbiga.

Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimuqraadiga usoo yeeray,ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasi oo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka.

Waxaan weli caddeyn cidda ku guuleysan doonta kuraasta Senate-ka ee Gobollada Wisconsin, Nevada, Georgia iyo Arizona kuwaas oo go’aamin kara cidda heli doonta aqalabiyadda.

Aqalka Wakiilada,Dimuqraadiga,ayaa ceshtay kuraasta degmooyin kasoo billowda Virginia illaa Kansas illaa Rhode Island, halka kuwa ka mid ah Gobollada New York iyo California aan weli la go’aamin natiijadooda.

Dimuqraadiga,ayaa sidoo kale ku guuleystay kuraasta barasaabka ee gobollada Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania – oo ah gobollo aad loogu loolamo kuwaas oo muhiim u ahaa guushii uu madaxweyne Biden ka gaaray Donald Trump 2020.

Hase yeeshee Jamhuuriyiinta,ayaa ilaashaday kuraasta barasaabka ee Gobollada Florida, Texas iyo Georgia.

Jamhuuriyiinta weli waxay haystaan fursad ay ugu guuleystaan maamulka Congress-ka,iyadoo weli tirintu socoto.