Ilhaan Cumar iyo Sagaal kale Somaliya oo Doorashada Maraykanka kasoo baxay

Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Somali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, Gobol iyo Federaal ah.

Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah;

Ilhaan Cumar oo markii Saddexaad ku guuleysatay doorashada kuriga Degmada Shanaad ee Gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseyn,ayaa loo doortay wakiillo ka tirsan Aqalka hoose ee Gobolka Minnesota.

Zayban Maxamed,ayaa iyana noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Somali iyo Madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka Gobolka Minnesota.

Waxaa sidoo kale Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.

Fatxiya Feerayare iyo Cabdul Cabdi,ayaa iyagana loo doortay Guddiga iskuullada Magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio, Ismail Maxamed iyo Munira Cabdullahi,ayaa ka mid noqday Golaha Wakiillada Gobolkaas.

Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Somali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Deeqa Dhalac,ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Somali ah oo Duq Magaalo ka noqotay Mareykanka.