Madaxweynaha Puntland iyo Safaarada Holand Ee Kenya oo kulmay

Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Netherlands/Holland ee Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Safaarada Netherlands.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Isbedelka Cimilada, Dimuqraadiyadda Puntland, Abaaraha iyo Maalgashiga .

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND