Madaxweyne Deni iyo Diblomaasiyiin sare oo Denmark ah oo kulmay

Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Denmark usoo magacowday Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen iyo Madaxa Howlgalka Denmark ee Soomaaliya Gertrud Kummel Birk.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya sida Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda iyo Mashaariicda horumarin.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.