Muumin oo Shir gudoomiyay kulan Amniga Caasimada looga xaajoonayay

Taliyaha ciidanka booliska DPL S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayo xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garowe.

Shirka,waxaa ka qaybgalay Taliye ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska,qaar ka mid ah hogaanada Ciidanka Booliska,Talyaha qeybta Gobolka Nugaal,kuxigeenkiisa,Taliyaasha Saldhigyada.

Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Caasumada, Howlgalinta Saldhigyada iyo Sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.