Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland iyo Wakiilka UNDP oo kulmay

Garowe: 09 November 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland ka qaybgalka Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.