Imaaraadka oo Saldhiga ugu weyn Bariga Afrika iyo Qunsiliyad ka samaysanaya Bosaso

Dowlada Imaaraadka Saldhigeeda rasmiga ah ee ay ku yeelanayso Somaliya,waxuu noqday Bosaso.

Xaruntii Ciidamada Badda Puntland,ayay si weyn u balaarsadeen kana dhigteen fariisinkooda.

Qalabkii horay ay uga rarteen Muqdisho xiligii Dowladii Farmaajo oo ay udaabuleen Berbera ayay dib ugu soo daabuleen Bosaso.

Waxay kaloo kusoo siyaadiyeen Qalab kale oo casri ah oo qaybna ay soo gaartay Bosaso qaybna soo socoto.

Qunsuliyada”

Saldhigan,waxaa qayb ka noqonaya Qunsuliyad ay degi doonaan dhamaan qaybaha kale ee Safaarada Imaaraadka marka Safiirka oo Xamar fadhiyi doona laga reebo.

Qaybta Visa bixinta,Arimaha Ciidamada iyo Wardoonka,ayaa ka mid noqonaya qaybaha Qunsiliyada Bosaso fadhiyi doona

Ciidanka Badda PL?

Maamulayaashii Imaaraatiga ahaa,ayaa kusoo laabtay Xerada,waxaana la badalay kuwii Koonfur-Afrikaanka ahaa ee joogay.

Ciidamada Badda,waxaa lagu saa’idinayaa Ciidamo cusub oo la diyaarinayo.

Ciidamada Daraawiishta ee fadhigoodu yahay Bari,waxaa la wareegay Gunadooda,Saadkooda iyo Daryeelkooda Saldhiga Ciidamada Bada.

Kuwa PISF ee Aamiin hogaamiyo,iyagana,waxaa kaba dhaqaale ahaan Saldhiga Ciidamada Bada.

Dekeda Bosaso”

Dekeda balaarinteeda way bilaabanaysaa,waxaana degaya Qalabkii lagu dhisi lahaa.

Warqadii horay Farmaajo uhor istaagay Saxiixeeda ee ogolaanshaha ahayd,waxaa bixiyay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale Lacag loogu talagalay in loo qaybiyo Dadka leh Boosaska Dekedu ku fidayso,ayaa Dowlada soo gaartay,iyadoo Halkii Bog cad la siin doono $8000.

Garoonka Diyaaradaha Bosaso,”

Garoonka Diyaaradaha qaybo muhiim ah ,ayaa lagu daray welina qaybe kale,ayaa lagu sii darayaa,waxaana la wareegay Imaaraadka.

Puntland waa ufursad dahabiya in Imaaraadku fariisin ka dhigto Bosaso,waxaana ugu jira dano dhaqaale iyo mid Siyaasadeedba.

Jibril Qoobey.