Wasiir Shariif Cabdisalaan iyo wefti uu hogaaminayo oo Somaliya ku matalay Shirka Warshadaynta Afrika

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Shariif Cabdisalam Sharif Xuseyn, iyo wefti uu hoggaaminayey,ayaa Magaalada Niamey ee Dalka Niger kaga qeyb-galay shirka Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika.

Shirkaas oo uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika,ayaa looga hadlayey horumarinta iyo sare u qaadidda Warshadeynta Qaaradda iyo weli ba kor u qaadista hal-abuurka.

Wasiirka,ayaa muddadii uu shirku socday, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Niger Mudane Ouhoumoudou Mahamadou iyo Wasiirka Warshadaha iyo dhallinyarada Salamatou Gourouza ee dalkaas.

Inkastoo Somaliya ay tahay Dal soo kabanaya oo aan weli cagihiisa si fiican ugu istaagin hadana ka qaybgalka Shirkan waa umuhiim.