Madaxweyne Deni oo Zambia si weyn loogu soo dhaweeyay

Lusaka : 11 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Inta uu ku suganyahay Dalka Zambia wuxuu Madaxweynuhu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.