Maxay kawada hadleen Deni iyo reer Muduga Zambia?

Si gaar ah,waxaa Caawa Madaxweynaha ubooqday Beesha Cumar Maxamuud ee ku dhaqan Zambia.

Kulankaas,waxuu ku saabsanaa 7-Qodob oo kala ahaa..

1.Soo dhaweyn.

2.Mahadnaq doorkii Dowlada ee Amniga Gaalkacyo iyo Dekeda Garacad.

3.Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

4.Dhismaha Wadada Garacad-Goldogob.

5.Dhamaystirka Toogashada Shabaabka xiran.

6.Dimuqraadiyaynta.

7.Isimada iyo isfahankooda.

Jawaabta Madaxweynaha”

1.Madaxweynuhu,waxuu si weyn uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo karaamaynta loo sameeyay isaga iyo weftigiisa.

2.Waxuu sheegay in Amni xumada jirtay ee wajiyo badnayd ay kuli kusoo ururtay Alshabaab rabina na waafajiyay ka hawlgelideedii.

3.Garoon weyn oo aan leenahay,ayaa ku yaal Magaalada marka in aan isaga dayactirno oo balaarino iyo in aan mid cusub dhisno waa in aan ka tashanaa intaanan Zambia ka tegin.

4.Wadadaas waa noo muhiim dhismaheedana kama seexanayo hadana waa ku jirnaa hawsheeda.

5.Markaan laabto waa ku dhaqaaqaynaa fulinta kuwa xukuman ee qaangaaray,waxaa jira Dacwo nooga timid Qolooyin Cadaan ah oo nagu qabsaday in ay ku jiraan kuwa Xukuman Da’yar,waxayna iga dalbadeen in aan ufasaxo si ay usoo baaraan,waase ka diidnay oo waxaan ku niri Maamul baan nahay masuuliyaduna Anagay na saaran tahay,waxaan usaaray Gudi W.Cadaalada ah oo soo xaqiijiya,warbixintoodiina waa diyaar oo markaan laabtaan fulinaynaa.

6.Dimuqraadiyayntu waa noo muhiim intaan ku sugnaa Nayrobi,waxaa saf noosoo galay Safaaradihii oo leh fuliya Doorashada Somaliya,ayay tijaabo utahay marka waa ku dhaqaaqaynaa Caqabado waa naga hor imaanayaan,waase jiiraynaa.

Kulanku,waxuu kusoo gabagaboobay si qurux badan oo isafgarad iyo niyad wanaag leh.

Jibril Qoobey.