Tahriibayaasha oo si xawli ah ugu qul-qulaya Maraykanka

Sarkaalka Mareykanka u qaabilsan ilaalinta amniga xuduudaha ayaa sheegay in laga codsaday in uu iscasilo ama la ceyriyo.

Chris Magnus – Guddoomiyaha Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha – ayaa difaacay shaqadiisa inkasta oo tirada sharci-darrada ah ee ka gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico ay gaareen heerkii ugu sarreeyay sanadkan.

Wararka waxay sheegayaan in sarkaalka uu diiday in is casilo isla markaana wuxuu difaacay shaqadiisa.

Ninkan ayaa dhaleeceyn kala kulmay tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galeyso Mareykanka oo korodhay.

Intooda badan muhaajiriinta waxay kasoo qulqulayaan dalalka Venezuela, Cuba iyo Nicaragua-dalalkaasoo ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo sii xumaanaya.