Video:-Dooda Baarlamaanka Ee ansixinta hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland oo socota

Garoowe: 13,November,2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Golaha Wakiillada ayaa weli ku guda jira ka doodista & qodob qodob u ansixinta hindise-xeereedka Khayraadka Biyaha Puntland sida uu dhigayo qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Dooda hindise-xeereedkan oo Goluhu curiyey ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda sida uu dhigayo qodobka 58-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Halkan ka daawo muuqaalka

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland