Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland oo yeeshay shirkoodii Shanaad

Garowe, November 13, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Guddoomiyey Shirka Guddiga dardargelinta Doorashooyinka Puntland oo yeeshay shirkoodii Shanaad.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha hortebinta u leh dardargelinta Doorashooyinka iyadoo la isku waydaarsaday warbixin guud, taas oo ay soo jeediyeen xubnaha Golaha Wasiirada kala duwan ee ka tirsan Guddiga.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa guddiga la wadaagay xogta guud ee Degmooyinka Puntland, meelaha caqabaduhu ka jiraan iyo sidii lagu xalin lahaa.

Intaas kadib, xubnaha Golaha Wasiirada ee guddiga ayaa soo jeediyey taladooda ku aadan barnaamijkaan Dimuqraadiyeynta iyo tubaha togan ee loo marayo hawlaha shaqo ee guddiga horyaal.

Dood dheer iyo wadatashi kadib, guddiga ayaa isku raacay in la dadajiyo hawlaha hortabinta u leh dardargelinta Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Dhammaad

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.