Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Safar shaqo ugu anba baxay Muqdisho

Muqdisho: 13,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo oo saaka kasoo kicitimay Garoowe ayaa lagu soo dhaweeyey Muqdisho.

Weftiga Guddoomiyaha waxaa kamid ah Xild. Saadaq Abshir Garaad, Xild. Axmed Jaamac Cabdulle, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo howlwadeeno kale.

Safarka shaqo ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qaadan doona muddo maalmo ah waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka DFS, Senataro ka tirsan Aqalka sare, habdhowraha guud Golaha Shacabka iyo xubno kale oo ka tirsan DFS.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland