Video:-Mucaaradka Somaliland Oo ku dhawaaqay in Muuse Biixi mudo xileedkiisii idlaaday

Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudo xileedkii Sharciga ah ee Madaxweynanimada Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiirada.

“Laga bilaabo Maanta waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore ee Somaliland ee wakhtigiisu dhamaaday”Ayay yiraahdeen.

Sida muuqata,waxaa fashilmay dhex-dhexaadintii Duqa Hargaysa iyo Warancade hormuudka uhayeen ee ilaa Xalay socotay.

Qodobada Xisbiyada Mucaaridku ku dhawaaqeen,waxaa ka mid ah….

  1. Maanta laga bilaabo Muuse Xukuumadiisa uma aqoonsinin mid sharci ah .
  2. Muuse Biixi Waxaanu u aqoon sanahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madaxwenihii hore .
  3. Xisbiyada Mucaaradku waxay aqoonsan yahiin Golaha Wakiilada , Maxkamada Sare iyo Golayaasha Deegaanka .
  4. Shacabku ha diidaan waxii sharci darro ah.

Halkan ka daawo muuqaalka