Muxuu ka dhigan yahay heshiiska Tigreega iyo Abiy?

Sidee Hubka udhigayaan Tigreegu?

1.Shacabka la hubeeyay ee Tigreega,ayaa Hubka laga dhigayaa.

2.Ciidamada Difaaca Shacabka Tigreega waxay noqonayaan Ciidamada Deegaanka ee la mid ah kuwa Deegaamada kale.

3.Ciidamada Tigreega ee qaybta ka ahaa kuwa Mileteriga Itoobiya dib,ayaa loola midaynayaa Milateriga.

Maxay helayaan Tigreegu?

1.Adeegii Nololeed oo dhamaystiran sida…

B.Isgaarsiinta
T.Bangiyada.
J.Korontada.
X.Biyaha.
Kh.Caafimaadka
D.Miisaaniyada.

Awood qaybsiga Siyaasada”

Waxay dib uhelayaan awood qaybsigoodii Xukuumada Fadaraaliga ah,waxaana ka mid ah awoodaha ay qaadan doonaan..

B.Wasaarada Arimaha Dibada.
T.Wasaarada Maaliyada.
J.Sirdoonka Qaranka.

Taariikhda Itoobiya waa markii ugu horaysay oo aan awooda hogaamineed lagu kala adkaan oo awood qaybsi iyo kala hakasho wax lagu qaybsado.

Tigreegu waxay xaqiijiyeen in ay yihiin awooda Itoobiya ee aan la ma quurin karin.

Si kale hadii loo yiraahdo Abiy waa awooda koowaad,Tigreegu waa awooda Labaad halka Amxaaradu noqon doonto awooda Sadexaad ee Itoobiya.

Markii ugu horaysay Itoobiya,waxaa ka hirgelaya Fadaraal rasmi ah oo kala haybaysi leh.

Jibril Qoobey.