Safiirka cusub Ee Imaaraadka ufadhiyi doona Somaliya oo laga gudoomay Waraaqaha Aqoonsiga

Wasiirka Arimaha dibada Fadaraalka Somaliya Abshir Cumar Huruse,ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirannimo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta Dan.Axmed Juma Al Rumaithi.

Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Imaaraadku usoo wakiishay Somaliya,ayaa yeeshay wada hadal kadib ka Gudoomidii Waraaqaha Aqoonsiga Danjiranimo.

Arimaha ay ka wada hadleen,waxaa ugu weynaa Xiriirka iyo Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada Dowladood Somaliya iyo Imaaraadka.

Hardankii Siyaasada Somaliya ee Dowladaha Khaliijka Carbeed,ayaa umuuqda in Imaaraadku kaga adkaaday Qatar oo ay si gaar ah ugu loolameen.

Jibril Qoobey.