Shirka Nabadaynta Beelaha Mudug Oo Beri furmaya

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali iyo Isimada Gobolka,ayaa kulan hordhaca Caawa ku yeeshay Degmada Bursaalax oo uu beri ka furmayo Shirka Nabadaynta Beelaha Mudug.

Kulankan Caawa oo ay goobjoog ka ahaayeen Talyaha Qaybta iyo Gudoomiyaha Degmada Bursaalax,ayaa looga xaajoonayay Ajandaha iyo sida loo qaabaynayo Shirka.

Waxay Maamulka iyo Isimadu isla qaateen in Shirka laga dhigo Sadex Waji oo kala gaar-gaar ah.

Dhamaan Waxgaradkii matalayay Beelaha,ayaa kusoo xarooday Bursaalax.

Shirkan,waa mid macno badan uleh Bulshada Mudug.

Faysal Shiikh Cali,waxuu muujiyay hogaamin masuuliyad iyo bisayl ka muuqato.

Jibril Qoobey.