Video:-Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo xiray

Wasiirka Wasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaradda Hodan Saciid Xasan, Agaasimaha guud Mudane Jaamac Xasan Cabdulle iyo Masuulin ka tirsan xiriirka Kuubada cagta Somaliya iyo Puntland,ayaa galabta garoonka Kubadda Cagta Mire awaare kaga qayb galay ciyaarta xiritaanka horyaalka heerka kowaad ee Kubada Cagta Puntland.

Ciyaarta soo xiritaanka,waxaa kuwada ciyaaray kooxaha SBC Fc iyo Horseed Fc.

Kooxda SBC Fc,ayaa noqotay Champions Puntland 2021/2022 ,halka Horseed ay noqotay Kooxda gashay kaalinta Labaad.

Kooxaha kala galay Kaalinta 1-aad iyo 2-aad,ayaa la gudoon siiyey abaal marino kala ah…

1.kooxda kaalinta koowaad gashay $5000 (Shankun oo Dollar).

2.Kooxda gashay kaalinta Labaad waxaa la gudoon siiyey $2,500 ( Laba kun iyo Shan boqol ).

Xaflada soo xititaanka,waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha iyo Madax ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Somaliya, Xiriirka Puntland,Lataliyaha Madaxweynaha arimaha Ciyaaraha,Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Nugaal iyo madax kale.