Booliska Turkiga oo soo bandhigay Haweenay lagu tuhmayo Qaraxii Stanbul

Ciidamada Ammaanka Turkiga,ayaa soo Bandhigay Haweenaydan oo lagu Magacaabo Ahlan Albashir, taas oo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Istanbul, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux halka 81 kale ay ku dhaawacmeen.

Haweenadan ayaa sida Boolisku sheegay waxay kasoo jeedaa Dalka Suuriya.

Tallaabada soo qabashada Haweenaydan kasoo jeeda Suuriya,ayaa imaanaysa iyadoo Dowladdu dusha ka saartay Qaraxa Kooxda Dalkaas laga mamnuucay ee PKK.