Gudiga Doorashooyinka Puntland oo si rasmi ah udoortay Gudoomiye

Waxaa maanta kulan gaar ah isugu yimid dhamaan 9-ka xubnood ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, kulankan ayey ku doorteen Goddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka rasmiga ah ee Guddiga kadib markii xubnaha Guddiga ka dhimanaa ay mareen dhaarta dastuuriga ah maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Guddiga,ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Abdirisak Axmed Sacid oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay.

Halka Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga si rasmi ah loogu doortay mudane Cali Jaamac Faarax (Hon Cali Dhegacade) oo horay u ahaa Guddoomiye Kuxigeenka KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay.

Halkan ka akhriso:-