Muslimiinta Maraykanka oo horumar Sanadkan ka sameeyay Doorashooyinka

Doorashooyinka Maraykanka,waxaa ku tartamay 146-Musharax in ka badan Muslimiin ah,waxaana guulaystay 86 ka mid ah Xubnahaas.

Guulahaas,ayaa ka dhacay Gobollada Texas, Virginia iyo Georgia, waxaana ku jiray 20 -Murashax oo horey xilal u hayay iyo 17-Musharax oo cusub.

Kuraastaasi waxay u dhaxaysaa Guddiyada Waxbarashada Deegaanka iyo Golaha Deegaanka ilaa Aqalka Congress-ka ee Maraykanka.

Taariikh cusub ayay ka sameeyeen Muslimiinta Maraykanku Doorashooyinka.

Waa wax muujinaya sida reer Galbeedku ugu horeeyaan tixgelinta kala duwanaanshaha Diimaha iyo Xoriyada Qofka.

Halkan ka daawo muuqaalka