Nin faafiya fikirka Khawaarijta oo lagu xiray Muqdisho

Dowladda Federaalka Somaliya,ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay soo xireen Mustafa Cali Caanood oo sida ay sheegtay faafinayey Fikirka Khawaarijta.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “ Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.”

Qoraalka ayaa intaas kud aray in howlgalka lagu qabtay Mustafa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana laqabtay xilli “uu isku dayay in uu ka baxsado” Ciidamada Amniga.

“Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda ayaa sheegtay in Mustafa la horgeyn doono sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.

Weli wax jawaab ah lagama heli karo Mustafa, ehelkiisa ama qareeno difaacaya oo ku saabsan eedaha loo jeediyey