Video:-Xaflad Aad ubalaaran Oo Zambia loogu qabtay Xalay Madaxweyne Deni

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Zambia oo xaflad weyn oo soo dhoweyn ah Xalay u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdiga la socda , ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyey Shaqooyinka ay wado Dowladda Puntland iyo Doorashada hal qof iyo cod ee Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Halkan ka daawo muuqaalka