Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo ka qaybgalay furitaanka kal-fadhiga Labada Aqal Ee Fadaraalka

Muqdisho: November,15,2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl & wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.

Madaxweynaha DFS, Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal, isagoo ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah oo ku saabsan xaaladda guud ee Dalka, waxqabadka DFS, qorshaha xoreynta Wadanka iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh Dawladda Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur & Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey munaasabadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adda xeer dejinta iyo in si wadajir ah looga wadashaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dhanka kale, ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Qaranka qorshaha dib u xoreynta wadanka, isagoo ku baaqay in laga dhabeeyo, shacabka Soomaaliyeed-na ay garab istaagaan Ciidanka howlgalada wada.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Taliyayaasha, Ciidamada qalabka sida, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada iyo mari sharaf kale.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland