Madaxweyne Deni iyo weftigiisii oo kasoo anba baxay Zambia

Madaxweynaha iyo weftigiisu,waa kasoo anba baxeen Zambia oo ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Si karaamo leh,ayaa loogu soo dhaweeyay Lusaka Caasimada Dalkaas oo uu ka degay maalmo ka hor.

Jaaliyada Puntland ee Zambia,waxay muujisay gobanimo iyo Wadaniyad.

Iyagoo iskuguna jira Mucaarad iyo Muxaafid ayay soo dhaweyn ku fadhida karaamayn Madaxweynanimo ee Puntland usameeyeen.

Waxay dajiyeen Hotel sare,waxay geeyeen xarumo Ganacsi,Dalxiis iyo Dukaamaysi.

Qado sharafyo iyo casho sharafyo isdaba joog ahna waa ku casuneen si weyna waa ugu soo baxeen.

Ugu danbayn sagootis macno leh ayay usoo sameeyeen.

Jibril Qoobey.