Video:-Wasaarada Maaliyada oo wada dardargelin shaqo iyo qiimayn Shaqaale

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cali Cumar Caarshe, Ku-xigeenka Xisaabiyaha guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda.

Shaqaalaha tababarka loo soo xiray ayaa ka hawl gala gobolada Sool Nugaal iyo Sanaag ee Dawladda Puntland.

Cali Cumar Caarshe Wasiirku xigeenka dakhliga oo ka hadlay munaasabada ayaa shaqalaha tababarka loo xiray u sheegay in ay bulshada shaqo adag uhayaan loona bahan yahay dadaal dheeri ah

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad soo xiray tababarkan ayaa dhankiisa sheegay tababarkaan uu muhiimad dheeri ah u leeyahay shaqalaha Wasaaradda waxana uu u mahad celiyay masuuliyiinta tababarkan gacanta ku hayey.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirku xigeenka dakhliga ayaa shaqaalaha tababarku soo dhamaaday gu doon siiyay shahaadooyin.

Ugu damabayn Wasaaradda Maaliyadda ayaa tababarro shaqalaha Wasaaradda aqoontooda kor loogu qaadaayo ka fulin doonta gobolada kale ee Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka